Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Diyaarada Kuwait Airlines oo diiday inay qaado qof Israa’iil u dhashay.
    Somalia

    Diyaarada Kuwait Airlines oo diiday inay qaado qof Israa’iil u dhashay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay.

    Go’aankaas ayaa ka caraysiiyay Ururrada Yuhuudda iyo kuwo kale oo ku ku baaqay in la cambaareeyo Yuhuud nacaybka.

    Shirkadda Kuwait Airways ayaa diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday Bangkok.

    Maxkamad ku taalla Frankfurt ayaa sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil.

    Maxkamaddu waxay sheegtay in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga dalka Jermalkuna uu qeexayo faquuqa ku salaysan, midabka, qawmiyadda ama diinta balse aysan ku jirin muwaaddinnimada.

    Nathan Gelbart oo ah qareenkii u doodayay rakaabka ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay “mid laga xumaado marka si guud loo fiiriyo dimuqraadiyadda iyo ka Jermal ahaanba.

    “Go’aankaasi ma sii taagnaankaro, rakaabkuna racfaan ayuu ka qaadan doonaa xukunka ayuu yiri.

    Guddiga Dhexe ee Yuhuudda Jermalka ayaa sheegay “in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkad ajnabi ah loo ogolaado in ay Jermalka ka dhex shaqayso iyadoo ku dhaqmaysay arrin caalamka looga arko in ay Yuhuudda liddu ku tahay.

    “Waxaan ugu baaqaynaa faderaalka in uu dib u eego shuruucda si faquuqan oo kale uusan mustaqbalka u dhicin” ayay dhaheen.

    Uwe Becker oo ah duqa magaalda Frankfurt ayaa isna cambaareeyay go’aankaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.