Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan La yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan La yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga dalka Ehiopia ayaa waxa uu maanta gelinkii danbe 21 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen.

    Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland kuwaas oo qayb ka ahaa weftiga Madaxweyha.

    Madaxweyne dawladda Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam Desaglen ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Puntland, iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo la xidhiidha xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Costume ka Tuur-dibi kaas oo in Muddo ah ay kawada Shaqaynayeen Wasaaradda Ganacsiga dawladda Puntland Iyo dalka Ethiopia.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan kaas oo ku qotoma Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda Gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dawladda Puntland guud ahaan iyo gaar ahaanba diyaar u tahay xoojinta xidhiidh kaasi taariikhiga ah ee labada dhinac.

    Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam in ay dawladda Puntland mar-walba dhinac taaganyihiin oo ay ka gacan siinayaan soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa tusmeeyey in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isagoona Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba had iyo jeer ku foogan yihiin dabar goynta kooxaha tamarta yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, Galgala iyo Calmadaw.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.