Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada Dalka Ethiopia.
    Somalia

    Madaxweynaha dawladda Puntland oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada Dalka Ethiopia.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed iyo weftigii uu hogaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Ethiopia ayaa maanta gelinkii danbe 22 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha dalka Ethiopia, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado,Wasiirka ย Customka iyo Xuduudaha iyo Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga G/Medhin.

    Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dalka Ethiopia ay ย wada qaateen ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha furitaanka Custom-ka xuduudda Puntland iyo Ethiopia ee Tuur-dibi, kaas oo dhowaan la dhamaystiray dhismihiisa, Custom-kaas oo ka kooban xafiisyada Laamaha Socdaalka, xafiisyada Boolis ka ,iyo xadiisyada cashuuraadka.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay furitaanka custom ka Tuur-dibi iyo dardargelinta shaqadiisaba, kaas oo laga hirgeliyey xuduudda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in Customku halbeeg u noqon doono wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac taas oo ku salaysan ganacsiga, amaan iyo siyaasadda xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan xuduudaha Puntland laleedahay Ethiopia.

    Dhinaca kale Wasiirada dalka Ethiopia ee uu Madaxweynuhu layeeshay kulanka ayaa waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhankooda inay fuliyaan soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen taas oo ku aadan furitaanka Customka tuurdibi maadaama la dhamaystiray, Wasiirada ayaa cadeeyey in dhowaan u soo diridoonaan wefti furitaanka custom kaasi, ย Waftigaasi oo ka socda dhammaan laamaha ku shaqada leh dardargelinta hawlaha shaqo ee custom-ka.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa weli u socda kulamo ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dalkaasi Ethiopia.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.