Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAWIRO :Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Ka Dhagax Dhigay Saldhiggii 3-aad ee Gobolka Sanaag .Laga Hirgelindoono.
    Somalia

    SAWIRO :Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Ka Dhagax Dhigay Saldhiggii 3-aad ee Gobolka Sanaag .Laga Hirgelindoono.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2017Updated:November 25, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Nov 2017 magaalada Xingalool ka dhagax dhigay saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo.

    Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada Xingalool kusoo dhoweeyey maamulka degmada Xingalool, saraakiil ka tirsan Booliska gobolka, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon -yahano iyo guud ahaan shacabka magaalada Xingalool, shacabka Magaaladaasi iyo weftiga Agaasimaha ayaa dhex lugeeyey shaaricyada waaweyn ee magaalada illaa ay ka gaadheen goobtii dhagax dhigga Saldhigga Booliska oo ahayd magaalada kooneheeda.

    Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo goobtii dhagax dhigga kahadlay ayaa shacabka magaaladaasi oo isku duuban uga mahadnaqay sida wanaagsan ee niyadsamida leh ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in maanta ย saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo magaalada Xingalool.

    “Waxaa farxad ii ah inaan munaasibaddii sadexaad oo ah muddo sadex cisho gudahooda malaada Xingalool aan ku dhagax dhigno saldhiggii sadexaad ee gobolka Sanaag aan ka hirgelindoono, Magaalada Hadaaftimo iyo Damala-xagare ayaanu labadii saldhig ee hore kasoo dhagax dhignay dhammaanna magaalooyinkaasi waa kasocodaa dhismaha saldhigyadaasi, Xingaloolna Sidoo kale maantaan dhagax dhignay Insha Alla waxaan rajaynaynaa in iyana si lamida beri ay u bilaabaan dhismaha Saldhigga” ayuu yiri Agaasimuhu.

    “Dhismaha hirgelinta saldhigyadani waxay ahaayeen qorshe iyo Amar kayimid Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ย  taasina waxay timi kadib markuu baahida gobolka Sanaag wax badan ka ogaadey Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama gobolada xuduudda ay u yihiin Puntland laf-dhabarta koowaad ee difaaca shacabka Puntland” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa xusay in dhismayaasha saldhigyada laga hirgelinayo gobolka sanaag uu kayimid xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama ย uu gobolku xuduudkuyaalo u jeedaduna ahayd in hawshaasi si degdega loo qabto, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay Agaasimuhu in isaga shaqadaasi uu usoo xilsaaray hirgelinteeda Madaxweynaha dawladda Puntland.

    Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa shacabka magaalada Xingalool iyo maamulkoodaba u ย xaqiijiyey in 13 Nov 2017 ay dhigeen waxqabad tariikhiya kaas oo ahaa ka hortaggii doorasho kusheeggii maamulka Soomaaliland, waxaana uu xusay in Madaxweynaha dawladda Puntland uu uga sido salaan kal iyo laaba, isla markaana waxa uu ku booriyey shacabka maagaladaasi inay isku duubnaadaan, isku talo noqdaan si ay horumar lataabankaro uga gaadhaan mustaqbalka mandaqaddooda.

    Dhinaca kale maamulka degmada Xingalool, waxgaradka iyo aqoon yahanka magaalada ee ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa ugu Mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo weftiga soo gaadheyba hirgelinta Saldhigga laga dhisayo magaaladooda, isla mar’ahantaana waxa ay tilmaameen in uu wax badan ka taridoono xasiloonida, nabadda iyo kala danbaynta degmada.

    Guddoomiya Gobolka Sanaag, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka ayaa dhankooda si wada jira u xusay in dawladda Puntland wax qabad lataaban karo ka fulisey guud ahaan gobolka Sanaag Gaar ahaan degmada Xinlgalool, isla markaana uu Saldhigga Booliska ee maanta laga dhagax dhigay degmada uu yahay horumar usoo kordhay, wax badanna ay kaga faa’iidaysan doonaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.