Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo Pakistan uga digay inay xumayso xiriirka ka dhexeeya .
    Somalia

    Maraykanka oo Pakistan uga digay inay xumayso xiriirka ka dhexeeya .

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 26, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Washington ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii Dowladda ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai.

    Ninka la doonayo oo ah Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo.

    Sarah Sanders oo ah Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka , ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada,Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay.

    Waxaa uu beeniyay wadaadkaasi lagu magacaabo Hafiz Saeed in uu ku lug lahaa weerarkii magaalada Mumbai ee Hindiya ka dhacay sanadka markuu ahaa 2008.

    Weerarkaasi waxaa ku dhintay 166 qof ,waxana Mr Saeed lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

    Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu Mr Saeed madaxiisa dul dhigtaay adduun dhan 10 milyan oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara in la soo xiro iyo maxkamadeyntiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.