Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyayaasha Dalalka Qadar iyo Turkiga oo kawada hadlay xaalada Bariga dhexe
    Somalia

    Hogaamiyayaasha Dalalka Qadar iyo Turkiga oo kawada hadlay xaalada Bariga dhexe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2017Updated:November 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani oo khadka isgaarsiinta ku wada xiriiray ayaa ka hadlay  xaaladda dalka Suuriya iyo qadiyadaha caalamka sida laga soo xigtay Madaxtooyada dalka Turkiga.

    Sidoo kale Labada hoggaamiye ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,xiisadda mandiqada iyo waxyaabaihii ka soo baxay kulankii todobaadkii tagay dhex maray iyo waxyaabihii ay ku heshiyeen hoggaamiyeyaasha labada dal Turkiga iyo Ruushka.

    Waxayna labada dhinac ugu baaqeen mucaaradka Suuriya inay ka qeyb galaan shirka dhexdhexaadinta dhinacyada dagaalka isaga soo horjeeda Suuriya oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco dalka Ruushka.

    Dhanka kale Madaxweynaha Rushka Vladimir Putin ayaa la sheegay in xiriirka xagga khadka Taleefoonka ah uu la yeeshay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani  ayna ka wada hadleen arrimaha shirkaasi dhexdhaxaadinta ah ee la filayo inuu ka qabsoomo dalka Ruushka iyo waliba arrimaha xiriirka labada dal ka sokow midda dowliga ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.