Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’adda IOM oo ka digtay Macluul soo wajahda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
    Somalia

    Hay’adda IOM oo ka digtay Macluul soo wajahda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.

     Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay iney ka timid Abaaraha dalka jira iyo Colaadaha, Afhayeenka hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO Joy Milman ayaa sheegay in ilaa 100-kun oo qof ay gobolkaasi macluul khatar ugu jiraan.

    “Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga  yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof”

    Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay kasii dareyso iyadoo dadka ay deegaanadooda kasoo barakacayaan kuwaasoo raadinaya cunto.

    Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan lgu qabtay shir caalami ah uu  shir guddoominayey Madaxweynaha J.F  Soomaaliya Mudane Maxa’ad C/laahi Max’ad Farmaajo kaasoo looga hadlayey Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa kasoo qeyb galaya masuuliyiinta Dowlad-govboleedyada iyo Hay’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.