Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxwayne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe (Sawirro)
    Somalia

    Madaxwayne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe (Sawirro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe – Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay kawada haleen Madaxda dalkaasi arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda cadawga tamarta yar ee kudhuumaalaysanaya dalka.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in arrimaha ay kawadahadleen Madaxda dalka Ethiopia ay kamid ahayd fududaynta isusocodka shacabka labadadhinac, ganacsiga iyo adkaynta amaanka xuduuddaha Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dhammaan arrimaha laga wadahadlay ay guul kusoo dhammaadeen, islamar’ahaantaana uu guul u ahaa safarkoodu Dawladda Puntland iyo dalka Ethiopia.

    “Sidoo kale waxaanu kawada hadalnay in la fududeeyo isusocodka dadka iyo ganacsiga Puntland iyo Ethiopia, waxaanu aragnay Madaxdiidalkaasi u saraysey oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Etiopia iyo qaar kamid ah Wasiirada dalkaasi, waxaan is leeyahay safar-kaasi wuxuu ahaa safar Puntland guul u ah, Ethiopia-na guul u ah, wuxuu muujinayey baahida labada dhinac oo ay kamid yihiin ganacsiga iyo amniga, waxaanna is leeyahay safar-kaasi wuxuu kusoo dhammaaday guul nabadbaanna kusoolaabanay”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

    Ugudanbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay farxad iyo guul u tahay inuu kusoo laabto dalkoo nabad ah, waxaana uu shacabka reer Puntland iyo masuuliyiinta dawladdaba kubooriyey inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo kaladanbaynta.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.