Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DEG DEG – Dagaal yahano iyo saraakiil ka tirsan Shabaab oo gaaray Gedo
    Somalia

    DEG DEG – Dagaal yahano iyo saraakiil ka tirsan Shabaab oo gaaray Gedo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano ka tirsan gobolkaas, iyadoo diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya la soo sheegayo inay dul heehaabayaan deegaanadaas.

    Dagaalyahanada Shabaabka ee gaaray Gedo ayaa la sheegayaa inay ku dhowaad labo kun oo dagaalyahan oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana tani dadka deegaanka ay ku dhalisay cabsi iyo shaki badan.

    Wararka ayaa sheegaya in deegaanada ay gaareen dagaalyahanada ay ka mid yihiin Ceel Cadde iyo deegaano kale oo hoos taga Garbahaarey oo leh dhul buuraley ah.

    Dagaalyahanadan oo ka yimid dhanka Gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxaa la sheegayaa inay wehliyaan saraakiil sar sare, waxaana dadka deegaanka isla dhex marayaan inuu jiro Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

    Lama soo sheegin illaa iyo hada wax duqeyn ah oo ka dhacday deegaanada ay diyaaradaha dulheehaabayaan, waxaana jirta cabsi laga qabo in duqeymo dhacaan.

    Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa leh dhul buuraley ah oo istiraatiiji ah, isla markaana lagu dhuuman karo.

    Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka baxsanayay duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geysanayayeen deegaano ka tirsan Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.