Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiirka Cadaalada Maraykanka oo lagu helay in uu xiriir la yeeshay Sirdoonka Ruushka
    Somalia

    Video:-Wasiirka Cadaalada Maraykanka oo lagu helay in uu xiriir la yeeshay Sirdoonka Ruushka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaaradda caddaaladda ee dalka Maraykanka Jess Sessions ayaa lagu helay inuu xiriir hoose la sameeyay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka,intii lagu guda jiray qaban qaabada doorashada madaxweyne Trump .

    Kulanka uu la yeeshey safiirka ayuusan ka hadlin ka hor inta aan xilka loo dhaarin, Waxaana hadda laga dalabanayaa in u xilka iska casilo.

    Laba jeer oo ahayd bishii September ee 2016 ayuu Jess Sessions waxa uu wada hadal la yeeshey safiirka Ruushka u fadhiya magaalada Washington, Sergej Kislyak.

    Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ayaa weli baaritan ku haya farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha ee Maraykanka.

    Wargeyska weyn ee Washington Post ayaa xogtiisa ka soo xigtey xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda.

    Wasiir Jess Sessions oo horey u ahaa Senator laga soo doorto gobolka Alabama ayaa kamid ahaa taageerayaasha waaweyn ee madaxweyne Trump xiligii ol-olaha doorashada lagu guda jiray.

    Haweeyenyda hoggaamisa Senatarada Dimoqraadiga ee Aqalka hoode haweeneeyda lagu magacaabo Nancy Pelosi ayaa tiri:

    “hadii wasiirka cadaalada Jess Sessions uu been ka sheegey dhegaysigii lala yeeshay waa in uu xilka iska casilaa.”

    Senator Graham ee laga soo doorto gobolka South Carolina ayaa sheegay haddii xeer ilaaliyaha guud ee cadaaladda Mr Sessions uu xiriir la sameeyey Ruushka loo baahan yahay in dacwad ooge madaxbanaan loo qabto fadeexadda Ruushka ee Xukuumadda Donald Trump.hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

    Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

    https://youtu.be/nG4J67wA3p0

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.