Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midawga Yurub oo bixin doona mushahaarka Ciidamada Booliska Somaliya 4-ta sano ee soo socota
    Somalia

    Midawga Yurub oo bixin doona mushahaarka Ciidamada Booliska Somaliya 4-ta sano ee soo socota

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan “Farkeeti” iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka boliiska sarreya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu magaalada Muqdisho.

    Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda dhaqaale iyo ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.

    Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta ciidanka.

    Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique oo shirka ka hadashay ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar ay ugu talagaleen, ayna diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dib u dhiska ciidanka booliska, gaar ahaan dhanka mushaaraadka, qalabka, tababarka Iyo sidoo kale daryeelka askarta da’da ah ee ku gaboobay hawsha boliiska.

    Gaba-gabadii Sshirka waxaa hadalka qaatay wasiirka maaliyadda xukuumadda fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa dhankiisa caddeeyey in booliisku uu tusaale u yahay dib u amniga dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.