Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DEG DEG – Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay shirka amniga Qaranka Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    DEG DEG – Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay shirka amniga Qaranka Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shir guddoominaya wejiga labaad ee shirkii London oo maanta si rasmi ah uga furay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

    Sidoo kale, Waxaa madasha ka hadlay madaxda Dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasoo sheegay iney door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney qaataan doorkooda ku aadan dhismaha Ciidamada Qaranka.

    Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland oo isna ka hadlay Wejiga Labaad ee shirkii London ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in la dhaqan geliyo goโ€™aamada ka soo baxa shirkan,wuxuuna sheegay in Jabbaland ahaan culeyska heysta uu yahay in Horjoogayaasha Kooxda Argixisada gabaad ay ka dhigtaan deegaanada Jubbaland loona baahan yahay in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

    Xasan Sheikh Aadan ย Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif ayaa qeexay iney muhiim tahay in la waqtiyeeyo qorshaha Amniga Qaranka iyo sida loo tababarayo Ciidanka ayna ula wareegayaan amniga wadanka.

    Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Galmudug oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Burcadbadeeda awooda la wiiqay,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Galmudug ahaan guul ay ka gaareen shirkii wada hadalka ee ka dhacay dalka Jabuuti,isagoo carabka ku dhuftay in dhawaan ay tagayaan magaalada Dhuusa-mareeb.

    Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo si kooban shirka uga hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay sii liidanayaan,islamarkaana uu gabalkooda uu sii dhacayo,isagoo cadeeyay in la heysto wado cad oo lagu horumari karo,โ€ Waa in aan dayacin fursadaha aan heysano maantaโ€,ayuu yiri madaxweyne Waare.

    Thabit Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyaa dagaalka ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Qaraxii 14-kii October ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid Xanuun badan oo muujiyay dhibaatada Cadowga,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Amniga Gobolka,wuxuuna sheegay iney sameeyeen qorshe hordhac ah oo lagula soconayo Amniga ilaa iyo heer degmo.

    Waxaa sidoo kale, goobta hadalo kooban ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM iyo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaasoo sheegay iney garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna dhiira geliyeen dhismaha Ciidanka Amniga Qaranka si ay awood ugu yeeshaan iney dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.