Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe Oo khudbad ka jeediyay shirka Amniga Ee Muqdisho
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe Oo khudbad ka jeediyay shirka Amniga Ee Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir lagaga hadlayay xaaladaha amaanka Soomaaliya.

    Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah JFS iyo hogaanka Dowlada Dhexe Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo cid walba oo gacan ka gaysanaysa nabad kusoo dabaalida Soomaaliya ku booriyay in ay sii laban laaban tageeradooda Soomaaliya.

    Dagaalka lagula jiro Argagixisada ayuu Madaxweynahu sheegay in uu u baahan yahay Midnimo iyo wadajir in loo wajaho si gaar ah Madaxweynahu AMISOM iyo Beesha Caalamka ayuu sheegay in ay wakhtiga kooban ee la haysto kaga faa’รญidaysataan in ay Soomaaliya garab istaagan oo ay deg deg wax ula qabtaan.

    Abaabulka Bulshada oo ka dharagsan dhibaatada nabadiidka ayuu sheegay in ay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab isla markana laga qayb galiyo dhamaan cidii loo baahdo.

    Gobolka Jubada Dhexe ayuu Madaxweynahu xusay in uu yahay gobolka kaliyah ee ay Argagixisadu dhamaantii wada haysato isla markana ay doonayaan in dhawaan ay qaadan gulufkii lagaga xorayn lahaa maadama ay noqotay halka ay isugu geeyeen wax walba oo awood ay lahayeena ay u baahan tahay Jubbaland tageerada Dowlada Soomaaliya iyo mida Beesha Caalamka.

    Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay heshiiska hordhaca ah ee ay dhawaan gaareen Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ahlusuna waxaana uu ku baaqay in la dardar galiyo waxyabaha ka dhiman heshiiskan si uu dhabaha ugu xaaro daganansho dhinaca Siyaasada ah ee deegaanka ka hirgala,hooska daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/UAo-2vcGMB4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.