Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Safiirka Jarmalka U Fadhiya Soomaaliya(Sawiro)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Safiirka Jarmalka U Fadhiya Soomaaliya(Sawiro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 5, 2017Updated:December 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch.

     Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland.Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo.

    Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana  uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi.

    Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.

    www.idilnews.com.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.