Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socotaa qorshaha Kooxda Farmaajo ee ku wajahan Puntland ?
    Somalia

    Maxaa kala socotaa qorshaha Kooxda Farmaajo ee ku wajahan Puntland ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 20179 Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xogo lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Xaafiiska Madaxweynaha sida lama filaanka ah kusoo baxay ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa sheegaya in la dajiyay qorshihii siyaasadeed ee uu ku shaqayn lahaa Farmaajo 4-ta sano ee soo socota.
     
    Hadaba qorshahan oo aad u badan qaybo badana leh ayaan idin la wadaagnay qaybta Puntland iyo qorshaha farmaajo.
     
    Qorshaha Farmaajo ee Puntland ku wajahan afarta sano ee soo socota ayaa lagu soo koobay si guud sadex qodob oo kala ah:-
     
    B.In lawiiqo awooda Dawlad Goboleedyada oo ay dawlada dhexe toos u hoos yimaadaan ,kuwaasoo Puntland ay hooyo u tahay.
     
    T.In Barabogaando lagu buun buuniyo Faramaajo,isla markaana Cabadiweli Gaas lagu macaaradayo laga hirgeliyo puntland.
     
    X.In Puntland laga hirgaliyo hay’ad Samafal ah oo lagu magacaabo Ganbool  si loo kasbado quluubta shacabka.
     
     
    Hadaba qorshayaashan ayaa kooxda ku wareegsan farmaajo oo ah koox aad uga soo horjeeda nidaamka fadaraalka ah nacayb gooniyana u haya Puntland iyo dadkeeda waxay uga dan leeyihiin in lagu burburiyo nidaamka Dawladnimo ee Puntland ama lagu wiiqo oo la hoos keeno Dawlada Xamar ee aan ku filnayn maaraynta Dekeda iyo garoonka Muqdisho.
     
    Farmaajo iyo kooxdiisu waxay si cad uga soo horjeedaan nidaamka Somaliya hada ka hirgalay,waxayna niyada ku hayaan in ay dib usoo ceshaan nidaamkii Xamar toos loogu hoos imaanayay ee ahaa wax walba Muqdisho,iyagoo ka duulaya hirgalinta aragtidooda waxay Puntland u arkaan Dawlada kaliya ee ka hor istaagi karta hirgalinta aragtidooda.
     
    Waxaa muhiim ah in Maamulka Gaas oo aan ogahay in ay xogahan gaareen ay deg deg uga hawlgalaan ka hortagideeda,sidoo kale siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland waa ina ay qaybtooda ka qaataan ka hortagida hagardaamada kooxda Farmaajo ee Puntland kusoo wajahan.
     
     
     
    Jibril Qoobey.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.