Xogo lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Xaafiiska Madaxweynaha sida lama filaanka ah kusoo baxay ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa sheegaya in la dajiyay qorshihii siyaasadeed ee uu ku shaqayn lahaa Farmaajo 4-ta sano ee soo socota.
Hadaba qorshahan oo aad u badan qaybo badana leh ayaan idin la wadaagnay qaybta Puntland iyo qorshaha farmaajo.
Qorshaha Farmaajo ee Puntland ku wajahan afarta sano ee soo socota ayaa lagu soo koobay si guud sadex qodob oo kala ah:-
B.In lawiiqo awooda Dawlad Goboleedyada oo ay dawlada dhexe toos u hoos yimaadaan ,kuwaasoo Puntland ay hooyo u tahay.
T.In Barabogaando lagu buun buuniyo Faramaajo,isla markaana Cabadiweli Gaas lagu macaaradayo laga hirgeliyo puntland.
X.In Puntland laga hirgaliyo hay’ad Samafal ah oo lagu magacaabo Ganbool si loo kasbado quluubta shacabka.
Hadaba qorshayaashan ayaa kooxda ku wareegsan farmaajo oo ah koox aad uga soo horjeeda nidaamka fadaraalka ah nacayb gooniyana u haya Puntland iyo dadkeeda waxay uga dan leeyihiin in lagu burburiyo nidaamka Dawladnimo ee Puntland ama lagu wiiqo oo la hoos keeno Dawlada Xamar ee aan ku filnayn maaraynta Dekeda iyo garoonka Muqdisho.
Farmaajo iyo kooxdiisu waxay si cad uga soo horjeedaan nidaamka Somaliya hada ka hirgalay,waxayna niyada ku hayaan in ay dib usoo ceshaan nidaamkii Xamar toos loogu hoos imaanayay ee ahaa wax walba Muqdisho,iyagoo ka duulaya hirgalinta aragtidooda waxay Puntland u arkaan Dawlada kaliya ee ka hor istaagi karta hirgalinta aragtidooda.
Waxaa muhiim ah in Maamulka Gaas oo aan ogahay in ay xogahan gaareen ay deg deg uga hawlgalaan ka hortagideeda,sidoo kale siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland waa ina ay qaybtooda ka qaataan ka hortagida hagardaamada kooxda Farmaajo ee Puntland kusoo wajahan.
Jibril Qoobey.