Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha aan ku heshiinno”
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha aan ku heshiinno”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda dhexe Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

    Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.

    “Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.”

    Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

    Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku boggaadiyey Beesha Caalamka iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

    Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.”

    Shirweynaha Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee soomaaliya AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka

    Idilnews.com -Garoowe

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.