Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo maanta u aqoonsanaya Jerusalem caasimadda Israel .
    Somalia

    Trump oo maanta u aqoonsanaya Jerusalem caasimadda Israel .

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu madaxweynaha Mareykankaย Donald Trump ku dhawaaqo in Mareykanku u aqoonsan yahay magaalada Jerusalem caasimadda Israel, waxaana uu kaga dhawaaqayaa go`aankan magaalada Washington.

    Arrintan oo durbaba dhalisay caro xooggan oo dhanka Falastiinta iyo waddamada carabta ah ayaa waxaa ka bilowday dibadbaxyo ku aadan go`aankan cusub ee uu Mareykanku ka qaadanayo arrinta Jerusalem, waxaana xalay kooxo ku mudaaharaadayay Falastiin ay gubeen boorar uu ku sawiran yahay madaxweyne Trump.

    Saddex casho oo dibadbaxyo waaweyn ah ayaa looga dhawaaqay dhulka Falastiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in dibadbaxyo waaweyn ay iyana ka dhacaan wadamo kale oo carbeed.

    Sarkaal ku dhow madaxweyne Trump ayaa sheegay in go`aankan uu qaadanayo madaxweynaha uu dhan walba ka eegay, waxaana usoo baxday in taariikh ahaan magaaladaasi ay Israel leedahay.

    Waxa uu sarkaalkan sidoo kale sheegay in ay qaadan doonto wakhti dheer in safaaradda Mareykanka ee Israel loo raro magaalada Jerusalem.

    Si kastaba tiroย hoggaamiyeyaal carbeed ayaa madaxweyne Trump uga digay goร ankan uu qaadanayo, waxa ayna sheegeen in ay arkaan cawaaqib xumo ka dhalata tallaabadan.

    Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

    Ayub A. Ali – Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.