Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kanada -Muwaadin Soomaaliyeed oo xukun lagu riday.
    Somalia

    Kanada -Muwaadin Soomaaliyeed oo xukun lagu riday.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkmada dalka Kanada ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Cumar Adeer waxaana loo heystaa afduubka Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah Afduub ahaan loogu heystay gudaha Soomaaliya mudo Sagaal sano ah ka hor.

    Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa Maxkamada Kanada waxa ay sheegtay in dembigaas lagu helay, balse isagu uu sheegay in uusan arrintaasi waxba ka ogeyn sidoo kalena isla isaga uu afduubnaa.

    Waxaa Maxkamada Kanada ay sheegtay in dacwadaan oo la dhageysanayay mudo 10 Cisho ah ugu dambeyn lagu xukumay xabsi daa’in ah balse la filayo in lagu dhawaaqo Sanadka soo socda ee 2018.

    Ehelada Eedeysane Cali Cumar Adeer ayaa talaabada ay qaaday Maxkamada Kanada ku sheegeen in ay tahay mid cadaalada daro ah isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan.

    Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lagu sii daayay lacag madax furasho taas oo keentay in uu ciqaab ku muteystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee Cali Cumar Adeer oo ku nool dalka Kanada.

    Wariye Amanda Lindhout ayaa shalay markii ay maxkamada tagtay waxa ay sheegtay in xiligii afduubka loo heystay ay la kulantay dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen faraxumeyn iyo jirdil intaba.

    Ayub A. Ali – Idil News.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.