Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xulka Banaadir oo ka badiyay Jubbaland (Sawiro)
    Somalia

    Xulka Banaadir oo ka badiyay Jubbaland (Sawiro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 9, 2017Updated:December 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa galabta ka furmay garoonka kubadda cagta ee Stadium Koonis, iyadoo ciyaartii u horeysay lagu furay Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir iyo Xulka Kubadda Cagta Jubbaland.

    Tartankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeyb galaya shanta maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo labo Group loo kala qeybiyay.

    Ciyaartii u horeysay ayaa  lagu bilaabay xulka Gobolka Banaadir iyo Xulka Jubbaland, iyadoo ay si rasmi ah tartanka u furtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaa daawashada ciyaarta galabta ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale.

    Ciyaartoyda Gobolka Banaadir iyo Jubbaland ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ay asluub ku dheehan tahay, inkastoo ciyaarta qeybtii hore ay goolal la’aan ku dhamaatay, hadana qeybta labaad ayay dhasheen goolasha.

    Xulka Gobolka Banaadir ayaa ku hormartay Goolasha, waxaana ay dhaliyeen labo gool oo xiriir ah oo ay u dhaxeeyeen daqiiqado, mid ka mid ah goolasha Jubbaland ayaa iska dhalisay.

    Ciyaartoyda Jubbaland ayaa markii labada gool looga hormaray ayaa waxay la soo baxeen dar dar xoog leh, iyagoo bilaabay inay fursado abuuraan, waxaa ay dhaliyeen gool, hase ahaatee waxaa jiray gool uu ka diiday garsooraha ciyaarta, maadaama uu ahaa Fool Offside.

    Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay si dirqi ah ku badiyeen xulka Gobolka Banaadir, oo nasiib u yeeshay in kulankii u horeeyay ee furitaanka inuu badiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.