Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»IIBGEEYN,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash
    Somalia

    IIBGEEYN,WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    IIBGEEYN

     

    Iibgeeyntu macnaheedu waa macaammil ganacsi dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market). Halkaas lacag caddaan ah ama wax kale oo loo arko in qiimo lacageed leeyihiin sida: dhul, guri, dahab, iwm, lagu kala beddesho sida alaabo ama adeegyo. Inkastoo qof mar ii sheegey in iibintu tahay farshaxan heshiis hoosaad (closed deal) la gaadhay, taas oo macnaheeda iyo nuxurkiisuba yahay. Sidaan horeyba u soo xusay, waa macaammil dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market).

     

    Haddaad xiiseeynayso in aad hagaajiso xirfaddaada iibgeeyneed, waxaad ogaanaysaa in taasi ka kooban tahay noocyo kala dudduwan, qaar in aad u isticmaasho si (positive) ah iyo qaar in aad ka fogaato (negative). Intuba waa xirfado iibgeeyneed.

     

    Waxa habboon in la Isticmaalo Xirfadahan Iibgeeyneed ee soo socda

     

    • Iibinta alaab ama adeeg si sasabasho ah;
    • Iibinta alaab ama adeeg si cadaadis iyo kar la’aan ah;
    • Iibinta alaab ama adeeg qaab iskaashi ku dhisan, iwm.

     

    Waxa habboon in laga fogaado xirfadahaan iibgeeyneeyd

     

    • Iibgeeynta alaab ama adeeg si cadaadis iyo kar ku dhisan, iwm.

     

    Xirfadda iibgeeyneed ugu wanaagsan waa tan sasabashada ku dhisan. Badi iibgeeyayaashu waxay isticmaalaan xirfadda iibgeeyneed sasabashada ku dhisan. Alaabtaad doonto iibi, waxaa loo baahanyahay in diiradda la saaro in macaamiisha loo soo jeediyo faa’iidooyinka alaabta iyo adeegu macaamiisha u leeyihiin.

     

    Faa’iidadu waa wax ama la taaban karo ama aan la taaban karin. Alaabada iyo adeegyaduba ma iibsamaan, haddii aysan macaamiisha ka dhaadhicin in ay helayaan faa’iidada shayga ay iibsanayaan. Bal ka feker, maxay dumarku cillaanka iyo waxyaalaha kale la isku qurxiyo u isticmaalaan ?  Ma jirtaa cid u baahan baaskiilo ?

     

    Taa weeye farshaxanka iibgeeyntu.

     

    Yaasiin Cabdullaahi Faash

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.