Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo ku baaqday in si deg deg ah loo badbaadiyo Carruur Suuriyaan ah.
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo ku baaqday in si deg deg ah loo badbaadiyo Carruur Suuriyaan ah.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo soo daad gureeyo daraasiin carruur ku xanuunsaneysa deegaanada Mucaaradka ay gacanta ku hayaan ee duleedka caasimadda Dimishiq,iyado wali halkaasi rabashado ay ka jiraan.

    Shan carruur ah oo ku noolaa bariga Ghouta ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen,halka 137-kalena ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah,sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF.

    Carruur da’dooda u dhaxeyso 7 bilood illaa 17 sano,ayaa la soo sheegayaa ineysan u helin karin gargaar caafimaad xaaladaha ay ku sugan yihiin oo kelyaha aan shaqeyneyn iyo macluul aad u daran oo ay ka dhaxleyn colaadaha sii socda.

    ” Xaalada wey ka sii dareysaa maalinba maalinta ka danbeysa”,ayuu yiri Fran Equiza oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Suuriya.

    ” In nidaamka caafimaad uu ciriiri yahay iyo Dugsiyadii waxbarashada oo ku dhawaad bil xiran” Carruurta xanuunsan ayaa si aad ah ugu baahan gurmad caafimaad,” halka kumanaan kale oo dheeraad ah loo diidan yahay fursadaha si caadi ah carruurnimadooda ugu noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF u qaabilsan Suuriya.

    Bariga Ghouta oo 15-km u jira caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa ciidamada Dowladda waxay ku hareereysan yihiin mudo ku siman afar sano,iyagoo doonaya iney bilaha soo socda si buuxda ula wareegaan.

    Dad lagu qiyaasay 400,000-ruux oo ku nool deegaanka ayaa la sheegaa in horay looga jaray gargaarkii bini-aadanimo ay u baahnaayeen tan iyo sanadkii 2013-kii,sida laga soo xigtay Hay’adda UNICEF.

    Ku dhawaad 12% carruurta ku nool Bariga Ghouta ayaa ka cabanaya xaalad nafaqo daro ba’an,waana tiradii ugu badneyd oo la diiwaan geliyo tan iyo markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Suuriya 2011-kii.

    Warbixino horay uga soo baxday UNICEF,ayaa lagu sheegay iney kordheen qiimaha la siisto cunada asaasiga u ah dadka rayidka ah iyo Cunada diyaarsan deegaanka Bariga Ghouta oo duleedka ka ah caasimada Dimishiq,taasi oo sii adkeysay xaalada nolosha dadka deegaanka.

    Ugu danbeyntii,Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loogu fasaxo carruurta iney helaan gargaar caafimaad oo deg deg ah si loo yareeyo dhibaatooyinka xaaladaha caafimaad daro ee la soo deristay.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.