Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yariisow oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga (Sawirro)
    Somalia

    Yariisow oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga (Sawirro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan gaar ah magaalada Masqad ee dalka Cumaan kula yeeshay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mudane Numan Kurtulmuş.

    Eng, Yariisow ayaa uga mahad celiyay wasiirka Mashruucyada hormarineed oo dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna is weydaarsadeen arimo ku saabsan dhaqanka iyo dalxiiska labada dal.

    Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mundane Numan Kurtulmuş ayaa balanqaaday in wasaaradiisa ay fiira gaar ah u yeelan doonto dib usoo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aad u qurux badan oo ku haboon dalxiiska.

    Magaalada Masqad ee dalka Cumaan waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo looga hadlayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

    Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.