Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Iyo Madaxweynaha DFS oo Kulan Kuyeeshay Muqdisho.
    Somalia

    Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Iyo Madaxweynaha DFS oo Kulan Kuyeeshay Muqdisho.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

    Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha DFS ay yeesheen ayaa waxa uu daarana arrimo la xiriira abaarta ka jira guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Puntland iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo u hambalyeeyey guushii uu dhowaan ka gaarey tartankii Madaxweyne nimo ee Hogaaminta Soomaaliya.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu horay waxa uu uga  warbixiyey Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo abaarta baaxadale ee ka jirta dhammaan gobolada Puntland, wxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saamaynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga,  Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

    Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha DFS guushii uu ka gaarey doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 8 February 2017, isla markaana waxa uu guulweyn ku tilmaamay go’aan qaadashadii geesi-nimadalahayd ee uu ku soo xushay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay Baarlamaanka Soomaaliya si sidaasi lamida ay ku ansixiyeen.

    Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba  isla markaana uu Alle ugu bedelo raxmadiisa.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.