Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaab-dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Wax-ka-beddel lagu Sameeyey
    Somalia

    Qaab-dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Wax-ka-beddel lagu Sameeyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulankaan oo dabo socdey kulamo maalmahaan u dhexeeyey dawladda Puntland iyo Bangiga adduunka isla markaana looga arrinsanayey sidii dib u eegis loogu samayn lahaa isla markaana loo dardargelin lahaa mashruuca CIP ee Tayaynta iyo shaqo-qorista ee uu dawladda Puntland  ka caawinayo Bangiga adduunku ayaa ka qabsoomay WasaaraddaMaaliyadda Puntland.

    Kulanka ayaa waxaa  guddoomiyanayey Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed, waxaana goob joog ka ahaa Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Mr Alex Xiriiriyaha Mashruuca CIP ee Puntland Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Xubnaha hagaya Mashruuca iyo Agaasimeyaasha kala duwan Wasaaradda Maaliyadda.

    Ujeedka kulanka ayaa sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn lahaa Wasaaradda (Re-structured)  isla markaana loo tayayn lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda, korna loogu qaadi lahaa  dakhliga dawladda.

    Muddadii uu kulanku socdey waxaa laysla qaatay in Qaab-dhismeedka Wasaaradda loogu samayn lahaa dib u casriyaynta Wasaaradda oo la macno ah in Wasaaraddu markii hore ay lahayd Saddex Agaasime Guud isla markaana hadda laysla qaatay in Wasaaraddu ay yeelato hal agaasime guud oo keliya.

    Waxaa sidoo kale laysla qaatay in kor loo qaado tayada waaxda Cashuuraha berriga, si arrintaasi looga dhabeeyona Bangiga adduunka ayaa ugu deeqay Wasaaradda Maaliyadda gaara ahaan waaxda Cashuuraha berriga Gaadiid qayb libaax ka qaadan doona dardargelinta shaqada iyo kor u qaadista dakhliga dawladda.

    Si tayada shaqaalaha kor loogu qaado waxaa uu bangiga adduunku ballan qaaday in shaqaalaha Wasaaradda ay u qaban doonaan tababarro dheeraad ah oo la xiriira kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta  shaqaalaha wasaaradda.

    Wasaaradda Maaliyadda ayaa laf dhabar u ah dawladda, isla markaana haddii xoogga la saaro sidii  loo tayayn lahaa waxa ay saamayn lamahadiyo ku yeelan doontaa guud ahaan horumarka iyo adkaynta qiyamka aas-aasiga u ah dawladnimada Puntland.

    —Dhammaad—

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.