Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudoomiye Jawaari ”Waxaan Doonayaa awood Qaybsi!!.WQ.Maxamed Caalim
    Somalia

    Gudoomiye Jawaari ”Waxaan Doonayaa awood Qaybsi!!.WQ.Maxamed Caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa soo baxaya in uu jiro Jah-wareer  ka jira Qaabka madaxda Dawlada Faderaalka ee  cusub u wada shaqeyn karto

    Dhibka ugu way oo ah  madaxweyne Farmaajo iyo Raysa wasaare khayre oo xilka ku helay si lama Filaan ah  Waqtiga la joogo waxaa dhibka iyo jahwareerka wada Gudoomiye jawari iyo xildhibaanadii Dib loo soo Doortey Mar labaad ee horena xilka wasiirnimo soo Qabtay.

    Shirar   is daba jooga  ah ayaa ka socda maalmahan oo dhan  madaxtooyada Soomaaliya  kaasi oo u dhexeeya  madaxda ugu saraysa Dawlada Faderaalka  Gaar ahaa madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

    Shirkan  waxaa keenay  in la isla Fahmo habka dawladda cusub loo dhisayo iyadoo sharciga Qoranka  laraacayo  iyo kan xeerka siyaasadeed ee 4.5,

    Madaxweyne  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa doonaya in xumumadda Raysal wasaare khayre  xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya  inaney ka mid noqon xukumada cusub  arinka oo uu diidan yahay Gudoomiye Jawaari  isagoo aaminsan in Beelaha  wata xubin baarlalaan inay wasiir  noqoto in loo la tix galiyo beeshaas.

    Arinkaa oo uu diidan yahay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa kale  Magaalada muqdisho  ka socda shirbeeleed  iyo  kuwa siyaasadaysan oo iska soo hor jeeda.

    Ujeeda dooda oo dhan waxa weeyaan  siday uga mid noqon lahaayeen dawladda cusub  hadii loo diidana ay u Fashilin lahaayeen dowladda cusub  ee ay hogaaminayaan  Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre.

    Waxaa nasiid darr o ah dhaqankan xun ee Qofkii wax qaban lahaa ee kartidiisa lagu dooran lahaa inay koox dan leh ay  is hor-taagto wixii dalka iyo dadka  Danta  ugu jirtay.

    Inaan arinka Qalinka uqaato waxaa igu kalifay
    Dad xog ogaal ah  oo ii sheegay in madaxweynaha Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare khayre,  dhibka haysato arinkaa. Dhisidda xukumad cusub oo tayo leh oo ka duwan kuwii wadanka soomaray 16 sano ee ugu Danbeeyey ee ahaa kuwii  ku Fashilmay wax in wadanka cagahiisa uu markale ku israago.
    Waxaa  Dhawaan laga  filayaa  Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre,   in uu qaato Go’aan geesinimo leh  oo ku dhisan danta dalka iyo dadka oo aan loo eegin Shaqsidanaysta  ama kooxaysiga .
    Falanqeytayda  ayaa ah in laga Faalloodo  fikradaha Tilmaamaya dhaqanka cadaalad darada.

    Waxaa ku soo gunaanadayaa Hadal kayga.  waxaa loo baahan-yahay Dawlad ku dhisan  Nidaam iyo cadaalad kala dambayn  iyo horumar.  Taas oo cid walba  ay dani ugu jirto.

    Markaa  waxan leeyahay Raysal wasaaraha ha lagu Taageero in uu soo xusho wasiiro   na gaarsiin kara arinka aan  korku soo  sheegay.

    Qore Maxamed Caalim

    Falayntan waa fikirka qoraaga

    Falanqeeye siyaasada soomaaliya
    caalim68@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.