Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taariikhdii Eng Caydaruus Cismaan Keenadiid.WQ.Sharmake Caydaruus Keneadiid.
    Somalia

    Taariikhdii Eng Caydaruus Cismaan Keenadiid.WQ.Sharmake Caydaruus Keneadiid.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Qoraalkan oo aan ugu magac daray RAAD-RAAC waa milicsi taariikheed oo aan filayo inuu dib u cusbooneysiinayo sooyaal iyo dhacdooyin hore oo maqalkooda maahane uu aragoodu gaasir ahaa ama aanu jirinba.
     
    Waa taariikhdii AUN. Eng Caydarus Cisman Kenadid .
     
    Waxa aan qoraalka Ku bilaabi doonaa gabay uu tiriyey Cismaan Kenadid, sidoo kalena waan kusoo gabagabeyn doonaa qaybaha danbe ee qormadan.
     
    – Caaqibo dambeetiyo adduun cirib lahaan waaye
    -Cisadiisu waa maalintaad caafimaad tahaye
    -Ciriiriga qabuurtiyo khalqiga ciidda lagu aasi
    -Wedka caarran iyo geeridaan axadna ceeseynin
    -Waa xaal cajaa’ib ehe sow kuma ciraab qaadan?
     
    Eng. Caydarus oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqaan Puntland iyo guud ahaan geyiga Soomaalidu degto waxa uu Ku dhashay Feb 1949 magaalada Hobyo. Hooyadiis Waxaa la oran jirey Faadumo Ciise Cigaal oo ka soo jeeddey qoys aad loo qaddarin jirey oo maalqabeen ah, ganacsi ballaarana Muqdisho Ku lahaa. Dugsiga hoose waxa uu Ku qaatey school Gaalkacyo Ku yaal qur’aankana Ku bartey. Ka dib waxa uu u soo wareegey Xamar isagoo Ku jirey gacanta awowgiis Ciise Cigaal Cali Faarax.
     
    Dugsiga dhexe waxa uu uga baxay Al-NAMUUDAJIYA waagii dambana Shiikh Cali Suufi loo yiqiin. Dugsiga sare waxa uu uga baxay JAMAAL C.NAASIR, qaybta cilmiga. Waxa uu aad ugu fiicnaa cilmiga xisaabta, fiisigiska iyo kimitariga. Bilowgii waxbarashadiisa wuxuu nasiib u helay in si gaar ah loogu qabto macallimiin masaari ah ilaa uu ka baxay dugsigii carabta oo ahayd meeshii uu kala yimid culuumta iyo luuqadda carabiga oo uu wax ku qori jirey.
     
    Waxbarashada jaamacadda waxa uu ku qaatey dalalka RUSSIA iyo UKRAINE ee midowgii soofiyeeti, jaamacadda Kharkov State Technical University of Civil Engineering and Architecture. Wuxuu kaloo soo qaatey , Construction Management jaamacadda Economic Principle at University of Rome. Engineering Management and Planning ayuu sidoo kale Kuwait Ku bartey.
     
     
    Taariihdan oo taxane ah waan sii wadi doonnaa haddii Eebbe idmo. Lasoco qaybaha danbe.
     
     
    Sharmake Caydarus Cismaan Keneadiid.
     
     
    Aad ayaan u salaamayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed,
     
    Mahadsanidiin.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.