Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo laga yaabo in uu kala geeyo qoysaska sharcidarrada ku soo gala
    Somalia

    Maraykanka oo laga yaabo in uu kala geeyo qoysaska sharcidarrada ku soo gala

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 7, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Maraykanka ayaa ka fikiraysa in ay kala gayso carruurta iyo waalidkood haddii la qabto iyaga oo si sharci darro ah uga soo talaabaya xadka Maksiko.

    Xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka John Kelly ayaa warbaahinta CNN u sheegay in ujeedada go’aankani uu yahay isku day lagu doonayo in la baajiyo qoysaska safarada khatarta ah ka soo gala bartamaha Ameerika.

    Tobannaan kun oo waalid iyo carruur isugu jira, kuwaas oo badankood ka soo cararaya qalalaasaha Honduras iyo El Salvador ayaa la xiray iyaga oo xadka ka soo gudbaya.

    Sanado ayay qaadan kartaa inta maxkamaduhu ay go’aan ka gaarayaan codsiyada ay soo gudbisteen ee ah in magangalyo la siiyo.

    Warbaahinta ayaa Jimcihii ku warantay in siyaasadan cusub ay ka dhigan tahay in waalidka lagu hayn doono xabsiyada inta sharciga laga waafajinayo ama loo diyaarinayo qaabkii loo masaafurin lahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.