Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wikileaks oo sir cusub ka faafisay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA
    Somalia

    Video:-Wikileaks oo sir cusub ka faafisay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 8, 2017Updated:March 8, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shabakadda Wikileaks ayaa baahisay macluumaad ku saabsan waxa ay ku sheegtay farsamooyin badan oo hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato in ay xogta kagala baxdo kombuyuutarrada.

    Farsamooyinkan la sheegay in ay CIA-du adeegsato ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin barnaamijo si fudud sirta ugala bixi kara Windos, Android, iOS, OSX iyo Linus oo dhamaantood ah habab ay kombuyuutaradda iyo telefoonnada gacantu ku shaqeeyaan.

    Software-yadan wax lagu basaasayo ayaa la sheegay in CIA-du samaysatay laakiin waxa kale oo la sheegay in laanta sirdoonka ee UK ee MI5 ay gacan ka siisay CIA-da in ay samaysato barnaamijyo ay kula socon karto TV-yada Samsung.

    Af-hayeen u hadlay ayaa sheegay in CIA-du aanay xogtan soo baxday xaqiijin karin.

    “Ka hadli mayno in qoraalladan lagu sheegay in ay yihiin xogo sirdoonku leeyihiin ay yihiin sax iyo in kale” ayuu yidhi.

    Af-hayeen isna u hadlay wasaaradda arimaha gudaha Ingrisiika ayaa isna sheegay in aanu ka hadli karin arrintan.

    Wikileaks waxay sheegtay in ay xogta ka heshay cid ay ku kalsoontahay ujeedada baahintuna tahay in laga doodo in CIA-du ka tallowday xadkii awoodaheeda sharcigu siiyey iyo in kale,hoos ka daawo muuqaalka

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Xigasho BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.