Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+sawiro:-Madaxweyne Farmaajo Oo qado sharaf loo sameeyay xarigana ka jaray xarumo
    Somalia

    Video+sawiro:-Madaxweyne Farmaajo Oo qado sharaf loo sameeyay xarigana ka jaray xarumo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 jan-2018 ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso  iyo Viber Obtic oo ah khad internet  oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona  gobolada Puntland.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa si wada jir ah xadhiga-ujaray dhisme cusub oo todoba dabaq ah oo shirkada is gaarsiinta ee Golis leedahay.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland oo munaasabada xadhig jirida ka hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay wax badan oo horu-mar ah ku soo kordhisay Puntland, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in dhismahan maanta xadhaiga laga jaray uu la  mid yahay dhismayaasha casriga ah ee adduunka.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxa uu si aad ah ugu mahac celiyay ganacsatada ku dhiiraty in ay dhismayaal noocaas ah ka hirgeliyaan Mgaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

    Sidoo kale Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Frmaajo  oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahaan casriga ah ee shirkada Golis ay ka hirgelinayso magaalada Bosaaso, dhismahan oo ka kooban 7 dabaq ayuu Madaxwaynaha DF Soomaaliya sheegay in ay farxad gaar aha utahay in dalka lagu soo kordhiyo.

    Dhinaca kale qaar kamid qado sharaf lagu maamuusay Mdaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa usameeyey Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland, sidoo kale qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya iyo golayaasha Dawladda Puntland.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa uga mahad celiyay Ugaaska qada sharafta uu ku maamuusay, isla marhaantaana bogaadin iyo mahad balaadhan usoo jeediyey dadweynaha gobolka Barrie e sida diiran usoo dhaweeyey.

    Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda Puntland  iyo Mdaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socod ku soo mareen qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso iyagoo ka adeegtay goobta adeega ee Al Macruuf oo ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada Boosasso, isla mara-ahaantaana waxa ay wefdigu tagaeen Beerta Maandeeq oo ah goob dhalinyaradu isugu timaado iyaga oo halkaasi kula kulmay kumanaan dhalinyarada magaalada Boosaso ka mid ah, kuwaasi oo halkaasi kula qaadanayey maalinta Jimcaha ee fasaxa lagu jiro,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoos eka daawo muuqaalka

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.