Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne farmaajo oo waraaqihii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Jarmalka
    Somalia

    Video:-Madaxweyne farmaajo oo waraaqihii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Jarmalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 8, 2017Updated:March 8, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in  dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya, xilligaanna ay aad uga muhiimsan tahay marxaladihii la soo maray.

    Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay  Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.

    Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

    Kulanka waxaa joogey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Hadliye Cumar iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Ambassador Cali Fiqi.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/aGi_sDPV5IQ

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.