Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne farmaajo oo waraaqihii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Jarmalka
    Somalia

    Video:-Madaxweyne farmaajo oo waraaqihii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Jarmalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 8, 2017Updated:March 8, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in  dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya, xilligaanna ay aad uga muhiimsan tahay marxaladihii la soo maray.

    Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay  Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.

    Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

    Kulanka waxaa joogey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Hadliye Cumar iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Ambassador Cali Fiqi.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/aGi_sDPV5IQ

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.