Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Reer Gaalkacyo Oo si la yaableh usoo dhaweeyay Waftigii Madaxweyne Farmaajo
    Somalia

    Video:-Reer Gaalkacyo Oo si la yaableh usoo dhaweeyay Waftigii Madaxweyne Farmaajo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr .Cabdiwe Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-January 2018 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Gaalkacayo ee xaruntaa gobolka Mudug  Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa soo dhawaynta Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxwaynaha dawlad-goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Gudoomiyaha gobolka mudug, duqa degmada Gaalkacayo,  golayaasha dawladda Puntland ,saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo.

    Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo maalmihii udanbeeyay safar booqasho ah ku marayeen Madaxwaynaha iyo wefdigiisa.

    Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Gaalkacayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxwaynahana dawladioda Puntland Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu Madaxwaynuhu markii uu soo gaadhay magaalada Gaalkacayo mid mid Ugacan qaaday masuuliyiintii halkaasi ku soo dhawaysay.

    Dhinaca kale Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabdadii soo dhawaynta ahayd  ee loogu sameeyay magaalada Gaalkacayo isagoo bulshada kala hadleen goob fagaare ah oo ay isgu yimaadeen kumanaan ka mid ah bulshda gobolka Mudug waxayna uga mahad-celiyeen soo dhawaynta balaadhan ee ay ku Maamuuseen.

    Madaxwaynaha dawladda Puntland oo ugu horayn ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha DF Soomaalia ayaa yiri,

    “Waad mahadsantihiin dhammaantiin dadwaynaha reer Gaalkacayo soo dhawaynta aad usamayseen Madaxwaynaha DF Soomaaliya, Mudane Madaxwanye kusoo dhawow Magaalada Gaalkacayo waxaa kuu diyaar ah Shacabkii oo maanta oo dhan qorax utaagnaa si ay kuugu soo dhoweyaan magaalada Gaalkacayo Soo dhawow soo dhawow, waxad utimi dadkaagii oo kusugayay inbadan.”

    Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa yiri, “mudane Madaxwyane dadwaynaha reer Gaalkacayo waxaan rabaa in aan idinla wadaago safarkan magiciisa, safarkaan magiciisa ayaan halka ku daah furayaa waxaana ugu magac daray safarkii dib-uheshiisiinta Soomaaliya, waxaan rabaa in magaaladaan Gaalkacayo noqoto xaruntii dib uheshiisiinta Soomaaliyeed waa magaalo taariikh kuleh guud ahaan Soomaaliya ,waxaa kasoo baxay dad magac wayn ku leh Soomaaliya oo ka qayb qaatay halgankii loo soo maray dalkaan.”

    Ugudanabayn Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxay safarkooda hore ugu sii gudbi doonaan maamulka Galmudug,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.