Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo ka jaranaysa Somaliland dhaqaalihii ay ku kabi jirtay Miisaaniyada
    Somalia

    Beesha Caalamka oo ka jaranaysa Somaliland dhaqaalihii ay ku kabi jirtay Miisaaniyada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go’aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

    Dalalkan oo si dhow ula shaqeeya Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

    “Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn”, ayaa lagu yiri warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi.

    Waxay sidoo kale sheegeen “Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka”.

    Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay bisha November ee 2017-ka, midda baarlamaankana iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019-ka.

    “Dib u dhaca wuxuu dhaawacayaa hormarka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah”, ayaa lagu qoray warka.

    Dowladaha saaxiibada la ah ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la’aan ah, haddii qorshaha hadda la raaco.

    “Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland”, ayey sheegeen.

    Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland.

    “Dib ha u eegaan go’aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata”.

    Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada.

    Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen “Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la wayn doonaa maalgashiyo muhiim ah”.

    Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen inaysan bixindoonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.