Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jarmalka Oo ugu deeqay Soomaaliya 32-Milyan Oo Euro
    Somalia

    Jarmalka Oo ugu deeqay Soomaaliya 32-Milyan Oo Euro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 24, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay ugu yabooheyso lacag dhan 32 Milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay in lagu taageero kaabayaasha shaqada ee Soomaaliya.
     
    Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo soo marsiin doonaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta wadanka Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida degaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya.
     
    Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala galay koritaanka magaalooyinka, horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.
     
    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u mahadcelineyso Dowlada Jarmalka oo markale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
     
    Sanduuqa dhaqaalaha ee Dowladda Jarmalka oo lacagta loo soo marsiiyay Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka hela Midowga Yurub Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Nabadgalyada (SPF).
     
    Hay`ada Lacagta Aduunka ayaa horay u sheegtay in dhaqaalaha soomaaliya uu kasoo wanaagsanaayo sidii hore isla markaana Wasarada maaliyada Xukumada fedraalka Soomaaliya ay qabatay shaqa fiican mudadii yareed ee ay jirtay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.