Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa laga bartay Safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug?
    Somalia

    Maxaa laga bartay Safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2018Updated:January 25, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Puntland iyo maamulka ana sharciyada buuxin ee Galmuudg,waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

    Haddaba maxaa laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maray Deegaanadaas

    Halkan waxaan kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo dhaxal gal ka dhigaya socdaalkaas

    1- Xoojinta Dowladdnimada, Madaxweyne Farmaajo, ayaa qaar kamid ah deegaanadii uu tagay dadka ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay in waligood aysan arkin dowlad Soomaaliyeed oo guryahooda kusoo booqaneysa.

    2- Waxay wax ka badashay Aragtida Beesha Caalamka ee ku aadan in Ammaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin, taasi oo noqotay inay san waxba ka jirin kadib socdaalka Madaxweynaha.

    3- Nabadeyn iyo Dib u heshiisiin, Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay Nabadeyn iyo Heshiis ay kala dhex dhigeen deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo Maleeshiyaad kala taageersan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer ay ku dagaalamayn.

    4- Xooijinta Hanaanka Dowlad goboleedyada, Safarka Madaxweynaha JFS uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug,  oo ay ku wehliyeen Madaxweyneyaasha labadaasi Maamul waxaa suurta gashay in Madaxweyne Xaaf Magaalooyin siddii xilkaasi loogu doortay uusan tagin inuu booqdo oo ay kamid tahay Dhuusa mareeb, Guriceel, Xeraala iyo meelo kale, isaggoo la kulmay Qeybaha kala duwan ee bulshada, kalana hadlay tabashooyinka ay qabaan, sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isna yimid Magaaladda Gaalkacyo.

    5- In doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya Sanadka 2020

    Safarka Madaxweynaha JFS, ayaa waxaa uu iftiimay in Ammaanka Soomaaliya uu yahay mid hagaagsan, islamarkaana ay ka dhici karto Doorasho qof iyo Cod ah.

    6- dib u soo nooleynta kaalinta culimada iyo odayaasha, Madaxweynaha Soomaaliya deegaan walbo oo uu tago waxuu la kulmayey Culumaa’udiinka  iyo Salaadiinta, waxuuna ka talo weydiiyey xaaladda dalka iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan dib u heshiisiinta.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inta uu ku guda jiray Socdaalkii Nabadda iyo Dib u heshiisiinta ee uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa Magaalooyin ay kamid yihiin Qardho, Cadaado, Cabudwaaq, Gaalkacyo iyo Hobyo uu ka dhagax dhigay Mashaariic horumarineed, isaggoo dhowaan mar Saxaafadda uu la hadlayey sheegay in guddi loo saarayo daba galka iyo fulinta mashaariicda uu kasoo dhagax dhigay magaalooyinkaasi.

     

    Xigasho Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.