Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Erdogan“Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Nasiyiinta, waana Fajiistiyaal,”
    Somalia

    Video:-Erdogan“Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Nasiyiinta, waana Fajiistiyaal,”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan  ayaa dowladda  Dutch-ka ku dhaleeceeyay go’aanka ay ugu diiday in ay dalkeeda ka degto duyuurad sitay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga  Mevlut Cavusoglu.

     Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweyne Erdogan xaflad caleemo saar oo maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalada Istanbul, isagoona xaqiijiyay in duyuuradda uu la socday Mr. Cavusoglu laga hor istaagay in ay caga dhigato dalka Netherland.

    “Sidee duulimaadyada diblomaasiyiintiina ku imaan karaan halkan kadib markii aad wasiirkeeda arimaha dibadda u diideen ogolaansha?”  ayuu Erdogan su’aalay madaxda Dutch.

    “Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Naziyiinta, waana Fajiistiyaal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

    Wasaaradda arimaha dibadda ee Dutch ayaa horey u sheegtay in ay is hor istaag ku sameysay duyuuradda uu la socday wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu in ay ka degto dalka Nertherlands taas oo ay sabab ugu dhigeen amniga iyo bad qabka dadweynaha.

    Mevlut Cavusoglu, oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga ayaa sida uu qorshaha uu ahaa waxaa lagu waday in uu khubad u jeediyo jaaliyadda Turkiga ee ku dhaqan magaalada Rotterdam ee dalka Nertherland.

    Wareysi uu siiyay TV-ga CNN Turk ayuu wasiirka arimaha dibadda ku sheegay in haddii Netherlands ay is hor istaag ku sameyso booqashadiisa, ay wajahi doonto cunaqabateyno adag oo saameeya dhaqaalaha iyo siyaasadda dalkaas.

    Dhowr munaasabadood oo ay aheyd in ay ka qeybgalaan saraakiil ka tirsan xisbiga talada Turkiga haya ee AKP oo dalka Jarmalka lagu qaban lahaa ayaa laga joojiyay taas oo dowladda Jarmalku ku sababaysay amniga dartiis.

    Ku dhowaad 1.5 milyan oo muwaadiniin Turki ah ayaa ku nool dalka Jarmalka kuwaas oo xaq u leh in ay ka qeybgalaan aftida loo qaadayo dastuurka Turkiga oo isbedel dhanka awoodaha madaxweynaha lagu sameeyay.

    Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in talaabadan ay qaatay Barlin ay tahay mid tusaysa in Jarmalku wali baaqi ku sii yahay dhaqankii Naziga,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/z1IvUxrgOmc

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.