Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dulmiye iyo Daalin-kalkaale WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Dulmiye iyo Daalin-kalkaale WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawdar garanwaayay derejadii uu Eeebbe siiyey oo daydday ahoo dawgiisii ka habaabay, ayaa lagu yidhi: “Kacoo taashkan xidho oo hoggaamiye u noqo duulkan saboolnimada iyo aqoondarrada isugu darantay!”

    Daf intuu yidhi, ayuu taajkii isku taagay. Degdeg buu dagaal iyo dirsoocnimo u billaabay. Dadweynihii danwadaagta ahaa ee walaalnimada u wada degganaa ayuu kala didin, dirsoocnimo iyo dadqalnimo ugu dhaqaaqay. Halkuu daryeelka dadweynaha ka shaqeeyn lahaa, wuxuu u dhaqaaqay, gurubsi iyo daldalasho doollar, xatooyo iyo xantoobsi xoolo dadweyne, xaraash bad iyo beriba leh iyo laaluush bixin.

    Guyaal goortii la joogay ayuu Dulmiye haadaan ka duulay. Kol uu dultaaganyahay ceel uu joogto uga cabbi jirey, ayuu sallaankiisii ka dhacay. Talo ayaa farahiisa ka haadday. Kob uu u cararo oo uu u ciirsado ayuu garanwaayay.

    Muddo kaddib Daalin-kalkaale ayaa ceelkii soo dul-istaagay. ”Maxaa, Dulmiyow, ku heley? Maxaa ceelka ku dhex dhigey?

    ”War, waad fejeci lahayd haddaad ogsoonaan lahayd badhaadhaha aan ceelka ku dhex haysto. Heedhe, kaalayoo barwaaqada wax ka durduuro!”

    ”Ba’aa, belooy baydh! Boowe, i yara dhawr oo hantida hayga dhammaysan,” intuu yidhi ayuu Daalin-kalkaale madaxmadax ceelkii isugu tuurey. Halkii ayay labadoodiiba isbuurteen oo ku nafwaayeen.

    Waa tii hore loo yidhi: ”Hashu, laaca aragtaye lunta ma ogtahay”.

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 04.12.2016

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.