Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»South Africa Oo yeelatay Hogaamiye cusub Oo KMG ah
    Somalia

    South Africa Oo yeelatay Hogaamiye cusub Oo KMG ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 15, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
     
    Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.
     
    Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga.
     
    Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.
     
    Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo.
     
    Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay.
     
    Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo hogaaminayay xisbiga ANC.
     
    Waxaa uu xafiiska la wareegayaa iyadoo xisbiga ANC iyo shacabka dalkaasi ay kala qeybsanyihiin, sidookale na dhaqaalaha wadankaasi uu sii liicayo.
     
    Taariikh nololeedka Cyril Ramaphosa
     
    Waxaa xabsiga loo taxaabay sannadkii 1974 ilaa iyo 1976,
     
    Wuxuu kamid ahaa halgankii lagu diidanaa midab takoorka.
     
    Wuxuu sannadkii 1990 kamid ah guddi ka shaqeeyay soo deynta Nelson Mandela.
     
    Wuxuu inta badan ahaa ganacsade, waxaana mar uu kamid ahaa dadka ugu hantida badan koonfur Afrika.
     
    Wuxuu isku dayay inuu bedelo Mandela sannadkii 1999, balse waxaa ka adkaadayThabo Mbeki.
     
    Sannadkii 2012-ka wuxuu kamid noqday guddi loo saaray xasuuqii Marikana.
     
    Sannadkii 2014-ka waxaa uu noqday madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika.
     
    Bishii Disembar ee sannadkii 2017-ka waxaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga ANC.
     
    15-kii bishii Febraayo waxaa uu sidookale noqday sii hayaha xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.