Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ku-xigeenkii Daacishta Somaliya Oo Maraykanku ku daray Liiska argagixisada
    Somalia

    Ku-xigeenkii Daacishta Somaliya Oo Maraykanku ku daray Liiska argagixisada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 28, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland.

    Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisada lagu daray,ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo lagu magacaabo, Mahad Macallin.

    Ninkaan ayaa sidoo kale qaabilsan fududaynta sanaadda iyo hubka kooxdaan uga yimaada dalka Yemen,sida lagu xusay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka .

    Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in Daacishta Soomaaliya ay hubka ugu badan ka heshay dhinaca waddanka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo ba’an,islamarkaana hubkii dowladdu gacanta u galay Islaamiyiinta xagjirka ah.

    Wadaadka Xagjirka ah ee Cabdulqaadir Mu’min oo ay weheliyaan 20 kamid ah taageerayaashii hore Al-shabaab,ayaa bishii October ee sannadkii 2015 ku dhawaaqay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha sare ee Daacish,Abuu-bakar Albaqdaadi,isagoo ku xigeenkiisana u magacaabay,Mahad Macallin oo ah ninka haatan liiska argagixisada lagu daray.

    Bishii Agoosto ee sannadkii 2016,dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min.

    26 bsihii October sannadkii 2016,malayshiyada Cabdulqaadir Mu’min ayaa qabsatay magaalada qandala ee gobolka Bari,halkaaso in muddo ah ay haysteen inkastoo markii dambe laga saaray.

    Daacish ayaa markii u horraysay bishii May ee sannadkii 2017-kii sheegatay weerar lagu qaaday goob gaadiidka lagu baaro oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso,kaasoo ay ku dhinteen 5 ruux,12 kalena ku dhaawacantay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.