Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Goorma ayaa la dhisi doonaa Dhismaha Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya?
    Somalia

    Video:-Goorma ayaa la dhisi doonaa Dhismaha Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 6, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    uddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

    Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

    Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.

    Jawaari ayaa intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

    Jawaari wuxuu sheegay in guriga gabi ahaantiisa la burburin doono, baarlamaankana u guuri doono meel kumeelgaar ah oo uu kusii shaqeeyo, kadibna la bilaabi doono dhismaha guriga.

    “Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.

    Guddoomiyaha oo ay dhif iyo naadir tahay in uu warbaahinta la hadlo, ayaa dadweynaha uga jawaabayay su’aalo badan oo ay ka qabeen arrimaha baarlamaanka.

    Guriga Golaha Shacabka ayaa la dhisay xilligii dowladdii kacaanka, guddoomiye Jawaarina waxa uu xusuustaa maalmihii wacnaa ee uu soo maray oo ay ka mid tahay markii gurigan lagu qabtay shirkii Midoowgii Afrika.

    Horey waxaa u jiray guri kale oo uu baarlamaanka Soomaaliya lahaa oo lagu shaqaynayay 1960-kii iyo ka hor, kaas oo ku yiilay meel u dhow Daljirka Dahsoon, balse hadda waa uu burburay, waxa kaliya ee ka haray ayaa ah darbiyo.

    Xigasho BBC.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.