Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiisad ka dhex aloosantay Ruushka iyo Uk kadib sumayntii basaaskii laba kaarlaha ahaa
    Somalia

    Xiisad ka dhex aloosantay Ruushka iyo Uk kadib sumayntii basaaskii laba kaarlaha ahaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2018Updated:March 13, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Nin horey u ahaan jirey basaas labo kaarle ah oo u shaqayn jirey sirdoonka Ruushka, laguna eedeeyay in uu la shaqaynayay Ingiriiska ayaa la qaadsiiyay maaddo halis ah oo sun ah, taas oo neerfaha hawlgab ka dhigta, waxaa sidoo kale suntan ay saaqday gabadh uu dhalay.
     
    Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ayaa aad ula il daran sunta saaqday 4-tii bishan Maarso iyaga oo ku sugan magaalada yar ee Salisbury, UK.
     
    Ra’isulwasaaraha Britain Theresa ayaa maaddadan ku sheegtay nooc lagu magacaabo Novichok oo ah magaca wadareed loo yaqaano noocyo kala duwan oo kiimiko ah.
     
    Haddaba maxaa laga ogyahay waxa ay tahay suntan iyo saameynteeda.
     
    1)Waxaa lagu sameeyay Midoowgii Soviet-ka
    Magaca Novichok oo ah kalmad Ruushiyaan ah ayaa loola jeedaa (Wax mardhow yimid) waxaana loo yaqaanaa koox curiyeyaal ah oo lid ku ah habka neerfaha qofka oo sameeyay intii u dhaxaysay 19070-kii illaa 1980-kii xiligii uu jirey xukunkii Soviet-ka.
     
    Sanadkii 1999-kii saraakiil ka socota gaashaandhigga Maraykanka ayaa u safray dalka Uzbekistan si ay gacan uga siiyaan burburinta kayd hubka kiimikada oo ay ka tagtay dowladdii Soviet-ka oo halkaas ka talin jirtay.
     
    Sida uu sheegay sargaal soo baxsaday, dowladaasi ayaa waxa ay goobahan ku bacrimin jirtay guntimo yaryar oo ka tirsan maadada Novichok, taas oo loo sameeyay qaab aysan ogaan karin dadka kormeerayaasha caalamiga ah.
     
    2.Waa ay ka sun badanyihiin waxyaabaha kale
    Mid ka mid ah maaddooyinka kala duwan ee kooxda Novichok waxaa lagu magacaabaa A-20, waxayna 5 illaa 8 jeer ka sun badantahay maadama VX ee iyaduna neerfaha lagu weeraro.
     
    “Waxa ay tani ka halis badantahay , kana casrisantahay maaddada VX, waana adagtahay in la ogaado” ayuu yiri Prof Gary Stephens oo tirsan jaamacadda Reading.
     
    Maaddada VX waa tan loo adeegsaday in lagu dilo wiilkii ay wada dhasheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-nam sanadkii hore sida ay Maraykanka sheegeen.
     
    Waxaa lasoo saaray jaadad badan oo ka tirsan A-230, balse nooc ka mid ah ayaa la sheegay in militariga Ruushka ay u ansixiyeen in loo isticmaalo sidii hub kiimiko ah.
     
    3)Novichok waa ay jaadad badantahay
    Inkasta oo qaar ka mid ah noocyada kala duwan ee suntan Novichok ay yihiin dareere, haddane waxaa loo malaynayaa in ay jiraan noocyo daqiiq ah ama adag.
     
    Qaar ka mid ah maaddooyinkan waxaa loo kaydiyaa sida ‘walxo kala soocan’, kuwaas oo marka la’isku daro samaynaya falgal, kadibna noqonaya maaddo sun ah.
     
    “Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee loosoo saaro maaddadan ayaa ah in waxyaabaha ay ka koobantahay aysan ka mid ahayd walxaha mamnuuca ah, taas oo ka dhigan in qofka uu safrin karo, geyna karo meeshii loogu talogalay isaga oo aysan wax halis ah kasoo gaarin, hadhoowna la’isku qasi doono marka la adeegsan rabo” ayuu yiri Prof Stephens oo sii hadlayay.
     
    4) Si dhaqso ah ayay qofka ku saaqi karaan
    Haddii qofka uu neefmareenada ka jiido/qaato maaddada Novichok, ama xitaa haddii ay jirkiisa taabato, islamarkiiba waa ay saaqaysaa, waana saamaynaysaa qofka.
     
    Astaamaha xanuunka waxa ay soo muuqan karaan 30 ilmiriqsi illaa 2 daqiiqo gudahood qofka marka la qaadsiiyo maaddadan. Balse nooca daqiiqa ah muddo intaas ka dheer ayay qaadan kartaa oo ku siman illaa 18 saacadood.
     
    5) Astaamaha waa la mid maaddooyinka kale ee halista ku ah neerfaha
    Waxaa loo malaynayaa in maaddada Novichok ay la astaamo tahay maaddooyinka kale ee halista ku ah neerfaha.
     
    Waxa ay xirtaa fariimaha ay isu gudbinayaan neerfaha iyo murqaha jirka, waxayna hawlgab ka dhigtaa dhaqdhaqaaq badan oo jirka ah.
     
    Astaamaha waxaa ka mid ah indhaha oo qofka caddaada, in ay indhaha rogmaan sidii qof qalal qaba, afka ayuu abur ka kiciyaa, xaaladaha ugu adagna qofka waa uu miyir beelaa, marka dambane xaaladda geeri ayay ku dambeysaa.
     
    Biloowgaba waxa ay maaddadan kaliftaa in wadnaha uu garaaca yareeyo, ay xirmaan neef mareenada, qofkana uu u dhinto neef qabatin.
     
    Qaarkood waxaaba loo sameeyay in ay adkeysi u yeeshaan dawooyinka lidka sunta ah.
     
    Haddii qof la qaadsiiyo, waa in dharkii uu xirnaa laga bixiyaa, jirkiisa lagu dhaqaa saabuun iyo biyo, waa in indhaha biyo loogu meydhaa, kadibna la siiyaa hawada oksijiinka ah.
     
     
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.