Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa Nin Nooceeya la taliyaha cusub Ee dhanka amaanka Donald Trump
    Somalia

    Waa Nin Nooceeya la taliyaha cusub Ee dhanka amaanka Donald Trump

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 24, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    John Bolton, waa nin mayal adag oo soo caanbaxay xilligii dowladda George W Bush, waxa uuna imika noqonayaa la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxwayne Donald Trump.
     
    Waa nin ku adadag difaaca awoodda Mareykanka una ololeeya dagaal iyo in awoodaasi loo isticmaalo dibadda, Mr Bolton waligii kama gabban in fikirkiisaas adag la ogaado.
     
    Bal aan eegno 5 arrin oo uu aaminsan yahay.
     
    1.Weerar lagu qaado Kuuriyada Waqooyi waa mid qiil loo heli karo.
    Fikirka Mr Bolton ee Kuuriya Waqooyi ayaa la darsi doonaa xilli uu ku biirayo aqalka cad, islamarkana lagu wado in bisha May uu kulan dhexmaro Kim Jong-un iyo madaxwayne Donald Trump.
     
    La taliyaha dhanka ammaanka ee lagu wado in uu xilka la wareego ayaa dhawaan si cad u sheegay in Kuuriyada waqooyi barnaamijkeeda Niyukleerka uu yahay”khatar ku soo fool leh Mareykanka.
     
    Mr Bolton ayaa isagu ka soo horjeeda dadka ku doodaya in xukuumadda Washinton ay wali waqti u hayso in dhibaatada lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.
     
    “Marka la eego dulduleelaha sirdoonka Mareykanka ee ku saabsan Kuriyada Waqooyi, ma aha in aan sugno ilaa daqiiqadaha ugu dambeeyay,” waxaa uu sidaasi ku qoray jariirada Wall Street bishii February isaga oo ka hadlaya suurtagalnimada tilaabo laga qaado.
     
    “Waa mid sax ah in Mareykanka ay ka jawaabaan “baahida hadda jirta” ee ka saabsan hubka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi iyada oo weerarka lagala horreynayo.” Ayuu yiri
     
    Waa kuma Donald Trump?
    Madaxweyne Musavani : Waan jeclahay Trump
    “Buugga Trump been baa ka buuxda”
    2.In Iiraan weerar lagu qaado waa mid sax ah.
    Donald Trump ayaa la sheegay in sababtii uu xilka uga qaaday xoghayihii arrimaha dibadda Rex Tillerson ay ahayd in uu ka soo horjeedsaday fikirkiisa ku aadan heshiiska Niyukleerka Iiraan oo madaxwayne Trump u si adag cambaareeyay.
     
    Marka ay timaado John Bolton, waxa uu heli doonaa qof ay isku fikir yihiin arrinta Iiraan.
     
    Mr Bolton waxa uu si kulul u cambaareeyay heshiiskii caalamiga ahaa ee madaxwayne Barack Obama uu la galay Iiraan 2015.
     
    Waxa uu sanaddii aanu soo dhaafnay qoray in xarfaha heshiiskaasi”uu ka muuqdo dulduleelo wayn islamarkana Iiraan ay sii wado hormarinta gantaaladeeda iyo barnamijkeeda Niyukleerka “.
     
    Bishii March 2015, bilooyiin ka hor inta aan la gaarin heshiiska Iiraan, waxa uu ku dooday mar uu la hadlayay New York Times in tillaabo militari oo kali ah ay tahay waxa Iiraan ku filan.
     
    “waqtiga waa mid si aad ah u yar, balse weerar wali wuu guulaysan karaa,” ayuu yri Mr Bolton.
     
    “Tillaabadani waa in ay la socotaa in Mareykanka uu taageero mucaaradka Iiraan taasi oo looga gol leeyahay in dowladda Tehran la badalo.” Ayuu intaa ku daray.
     
    3. Ma aha mid taageersan Qaramada Midoobay
    “Ma jirto Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Mr Bolton 1994 mar uu khudbad jeedinayay ee waxaa jira beesha caalamka oo ay hogaaminayso quwadda kali ah ee caalamka soo hartay, taasina waa Mareykanka “.ayuu yir
     
    Khudbadan waxa uu jeediyay 10 sano ka hor inta uusan madaxwayne George W Bush uusan u magacaabin xilka danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay.
     
    Khubarada dhaqaalaha ayaa waxa ay ku tilmaameen ” danjirihii muranka ugu badan dhaliyay ee ay ebed Mareykanka u soo magacaabaan Qaramada Midoobay “,.
     
    Balse waxaa ay sidoo kale dad kale ku ammaaneen in si cabsi la’aan ah uu dabada uga riixayay isbadalo badan oo lagu sameeyay hay’ado caalami ah.
     
    3.Dagaalkii Ciraaq ma ahayn khalad
    Toddobaadyo ka hor madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay duulaankii ay Mareykanka hogaaminayeen ee Ciraaq 2003 in uu ahaa “khaladka kali ah ee ugu xummaa ee eded la sameeyo “.
     
    Balse John Bolton, oo dagaalkaasi si adag u taageersanaa ayaa diiday in uu cambaareeyo.
     
    “Markaad leedahay xil ka tuuridii Saddam Xuseen waa khalad, ‘waa arrin la yareeysanayo,” waxa sidaasi ka soo xigtay Tv-ga Fox News.
     
    5. Ruuska waa in si adag loola tacaalaa.
    Mr Bolton ayaa ku tilmaamay faragalintii Ruushka ee doorashaddii Mareykanka “dagaal cad, islamarkana aysan Washington u dulqaadan doonin “.
     
    Bishii July 2017, markii madaxwayne Trump uu la kulmay madaxwayne Putin islamarkana madaxwayne Putin uu beeniyay in ay faragaliyeen doorashadii Mareykanka , Mr Bolton waxa uu qoray ” in uu been sheegayo isaga oo adeegsanaya tababarkii wanaagsanaa ee KGB “.
     
    Dhawaan markii la sumeeyay basaas horey uga tirsanaa sirdoonka Ruushka Sergei Skripial laguna eedeeyay Ruushka – Mr Bolton waxa uu sheegay in reer galbeedka ay tahay “in jawaab adag ay ka bixiyaan “.
     
     
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.