Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C/Fitaax Sisi Oo markale loo doortay Madaxweynaha dalka Masar
    Somalia

    C/Fitaax Sisi Oo markale loo doortay Madaxweynaha dalka Masar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Warbaahinta dowladda Masar ayaa goordhow shaacisay in doorashadii Bishan ka socotay gudaha iyo dibadda Masar uu ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya ee C/Fataax Al siisi.
     
    23 Milyan oo ka mid ah 60 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada ayaa dibadda u soo baxay si ay u codeeyaan,waxaana hadda warbaahinta ay leedahay dowladda oo xiganeysa Guddiga doorashooyinka ay sheegeysaa in Madaxweyne Sisi uu helay 92% codadkii la dhiibtay.
     
    Wargeysyada Al-Ahraam iyo Al-Akhbaar Al Yowm iyo wakaaladda wararka ee MENA ayaa baahiyay guusha C/Fitaax Al siisi,waxaana ay sheegeen in madaxweynaha mar labaad dib loo doortay.
     
    Muusa Mustafa Muusa oo ah Ninka la tartamayay ayaa waxaa lagu xantaa in isaguba uu taageere u yahay Madaxweyne Sisi.
     
    60 Milyan ee isu diiwaangeliyay codbixinta waxaa dibadda u soo baxay kaliya 40%,taas oo ka dhigan in ay ka hooseeyaan dadkii u soo baxay doorashadiisii 1aad ee 2014kii taas oo ay u soo baxeen 47%.
     
    Warbaahinta Ajaanibta ah ee doorashada baahinaya ayaa sheegaya in lacag u dhaxeysa $3-20 doollar la siinayay dadka si ay u codeeyaan oo ay dibadda ugu soo baxaan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.