Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xilagube iyo Xareeda
    Somalia

    Xilagube iyo Xareeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

     

    Xilagube iyo Xareeda

    Say iyo ooridii iyo carruutii ay dhaleen ayaa tuulo yar ku wada noolaa. Halkaa ayay dhowr neef oo xoolo ah, makhaayad iyo dukaan yar ku haysteen.

    “Gacaliye, Gugii baa soo dhowe, dayrka aqalka inaga moos daadka roobka yaanu aqallada, xoolaha iyo carruurta la tegine.” – ayay Xareeda odaygeedii ka codsatay. Xilligii daruuruhu curan jireen ama la fili jirey wali laba toddobaad ayaa ka hadhsan.

    “Gacaliso, waa hagaage, bal maanta wax uun aan ku qayilo ii yara dhiib. Hawshaa aniga igu hallee, ‘dhag, dhag!’ baan goor dhow ka siinayaa.” – ayuu ku warceliyey.

    Qado ayay siisey, intii uu ka dalbadayna way u dhiibtey. Xoogaagii buu la durduriyey oo halkii uu ku qayili jirey la tegey. Isagoo malafsanaya oo findhicil afka ugu jiro ayuu fiidkii aqalka ku soo laabtay. Wuxuu xaafaddii ku soo noqday iyadoo xoolihii la lisay, la kala xareeyey, dukaankii iyo makhaayaddii la xidhey, carruurtii iyo afadii wada seexdeen. Xoogaa cunto ah oo weel yar ku daboollaa ayuu cunay. Cabbaar ayuu meelaha meermeereystey, dabadeedna dhinac buu u dhacay.

    Maalintii xigtey sheekadu sidiiyoo kale ayay ku dhammaatay. Hayeeshee maalin saddexaaddii, kolkuu damcay in uu sidiiyoo kale sameeyo ayay Xareeda ku tidhi: ”Xilagubow, haddaad damacday in aad sidaa meherad ka dhigato anigu say iigu ahaan maysid, anna afo kuugu ahaan maayo. Waxaad yeeshaa, bax oo lacagtan qaado, hayeeshee haygu soo laaban! Aniga ayaa reerka hooyo iyo aabbe, labadaba, u noqonaya. Intaa ka badan anigu kuuma dulqaadan karo. Haddii kale doorkaagii ninnimo la imow.”

    Lacagtii yarayd oo la siiyey ayuu jeebka ku ritey, isagoon erey dib u soo celinnin ayuu bartiisii ula kacay. Dhowr cisho ayaa war iyo wacaal laga waayay. Subixii dambe ayuu, isagoo saaxiga keeney, reerkiisii ku soo laabtay.

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 27.03.2018

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    August 24, 2025

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.