Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»70 qof oo ku dhintay weerar ‘gaas loo adeegsaday’ oo Suuriya ka dhacay
    Somalia

    70 qof oo ku dhintay weerar ‘gaas loo adeegsaday’ oo Suuriya ka dhacay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shaqaalaha gurmadka degdega iyo howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen weerrar looga shakisan yahay inuu kiimiko ahaa oo lagu qaaday magaalada Douma ee ay fallaagadu ka taliso, ee waddanka Suuriya.

    Kooxda iskood isku abaabushay ee gurmadka degdega ee loo yaqaan White Helmets ayaa waxa ay barteeda Twitterka soo dhigtay sawirro muujinaya dhowr mayd oo yaal dhul dhaca hoose guryo halkaas ku yaal.

    Waxa ay kooxdaasi sheegtay in tirada dadka weerrarkaasi ku waxyeeloobay ay u badan tahay inay sare u kacdo.

    Dowladda Suuriya ayaa eedaha ah in ay qaadday weerrar weerrar kiimiko ah waxa ay ku tilmaantay mid been abuur ah oo la buunbuuniyay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay si dhaw ula socoto waxa ay ku tilmaantay “warar murugo leh”, iyadoo sheegtay in Ruushka oo ka garab dagaalamaya ciidammada dowladda Suuriya, uu qaadi doono mas’uuliyadda haddii weerrarkaasi lagu adeegsaday hubka kiimikada ah ee sida daran wax u laaya.

    Weerrarka ayaa inay gaysteen waxaa lagu eedeeyay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo la sheegay in magaalada ku duqeeyeen barmiillo ay ku jiraan sunta sarin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.