Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo ballanqaaday in uu tallaabo adag ka qaadi doono Suuriya
    Somalia

    Trump oo ballanqaaday in uu tallaabo adag ka qaadi doono Suuriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 10, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday “in uu awood” adeegsan doono marka uu jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in uu ka dhacay dalka Suuriya, iyada oo reer galbeedku ay ka baaraan dagayaan jawaabta ay ka bixin lahaayeen arrintaas.
     
    “Waxaan noo bannaan qaabab badan oo milatari,” ayuu ku yiri Trump oo saxafiyiinta la hadlaya, wuxuuna intaas ku daray in ay go’aansan doonaan “wax yar ka dib”.
     
    Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “sawir wanaagsan” ka helayo cidda ka dambaysay dhacdadii Douma ee Sabtidii.
     
    Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay tobannaan ruux ku dhinteen weerarkaas lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, balse ay u muuqato in aysan macquul ahayn in laxqiijiyo.
     
    Trump ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ammin dambe oo Isniintii ah, labada masuulna waxay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin in tallaabo “adag qaadaan”.
     
    Ra’iisulwasaaraha UK, Theresa May ayaa sheegtay in ay “si buuxda u cambaaraynayso” falkaas “waxshinimada ah” ee lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, waxayna ku baaqday in arrintaas loo qabsado dadka Bashaar Al-Asad taageera.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.