Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maraykanka iyo xulafadiisa Oo weerar ku ekeeyay saldhigyada Ciidamada Asad
    Somalia

    Video:-Maraykanka iyo xulafadiisa Oo weerar ku ekeeyay saldhigyada Ciidamada Asad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wadammada Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya.

    Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro ka baxeysa halka uu weerarka ka dhacay.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay.

    Trump waxaa kale oo uu edeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.

    Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.

    Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.