Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Ruushka Oo si adag U canbaareeyay weerarka lagu qaaday Siiriya
    Somalia

    Video:-Ruushka Oo si adag U canbaareeyay weerarka lagu qaaday Siiriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 14, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka ayaa digniin uu bixiyey ku sheegay in cawaaqib ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya.

    Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

    Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

    Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

    Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

    Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.

    Wararka kale ee ka imanaya Suuriya ayaa qaarkood tibaaxayaan in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumahaas weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.