Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Bulshada Kismaayo iyo Gudiga dastuurka Fadaraalka Oo kulan wada qaatay
    Somalia

    Video:-Bulshada Kismaayo iyo Gudiga dastuurka Fadaraalka Oo kulan wada qaatay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 15, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland.
     
    Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.
     
    Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
     
    “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.
     
    Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan.
     
    Ugu dambayn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada.,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/a-5J3Vq0RS4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.