Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Oo maanta lagu caano shubay
    Somalia

    Video:-Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Oo maanta lagu caano shubay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 15, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 April 2018 waxaa uu ka qaybgalay caano shubka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa uu kaga qayb gelayo Caanashubka Beeldeejaaha Beesha Cali Saleebaan waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabada Caleemosaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi ayaa waxaa uu yiri

    “Waxaan u ducaynayaa una hambalyeynayaa beeldaajaha iyo beesha Cali Saleebaan gaar ahaan gudigigii xafladda caana shubka,  si qurux badan ayaa xafladda ugu faro yaraysateen waan idiin ducaynayaa waxaad gaarsiiseen heer sare, waa inaad adeecdaan beeldaajaha oo aad si fiican ugu dhago nuglaataan, beeldaaje Maxamed waa nin ku filan howsha loo idmaday cilmi, caqli, iyo darajo intaba ugu filan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar.

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadii caasno shubka ayaa waxaa uu Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi  ugu  hambalyeeyey golaha dhaqanka ee uu maanta kusoo biiray islamar’ahaantaana wuxuu madaxweynuhu Beeldaajaha Allaah uga baryey in uu fududeeyo hawsha adag ee hortaala.

    ” sharaf weyn bay ii tahay in aan kasoo qaybgalo xafladaan quruxda badan ee lagu caleemo saarayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Cabdulaahi iyo intii soo qaban qaabisay, sidoom kale  intii soo qaban qaabisay aad bay u mahadsan yihiin iyo intiina ka soo qayb gashay oo ay ugu horeeyaan intii meelaha fogfog ka timid, waxbadan bay muujinasaa munaasabadaan anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan rabaa in aan idinku soo dhaweeyo Puntland oo nabad ah, Puntland oo hooyadii Soomaaliyeed ah, Puntland oo idin jecel ku soo dhawaada dhammaantiin, waxaan leeyahay xilka laguu doortay Alle hakuu fududeeyo Alle Hakugu dhowro, beeshaan waa beel weyn oo ka tirsan Puntland magac, maamuus, wanaag iyo sharafna ku dhex leh Puntland, waxaan leeyahay marka Beeldaaje waxaa lagaa rabaa in aad wakhtiga nabadda nabad ku hogaamisid beesha, wakhtiga colaaddana nabad ku hogaamisid beesha anana waan kugu taageereynaa, waxaan rabnaa nabada inaad ka bilowdo xunbays iyo rako sigaara ayey kuu sugaysaa wakhti adagna waad ku soo aaday, waan u mahad naqayaa isimadayada xaalad adag bay ku shaqeeyaan duruuf adag bay ku shaqeeyaan wanaaga iyo nabada ka jirtana ma aysan jirteen haddaan isimadaan la helin, laakiin waxaan kuu balanqaadaynaa in dawladda Puntland ku garab istaagto kulana shaqayso, Beesha Cali Saleebaan waxaan leeyahay waxaaad hesheen Beeldaaje dhalinyaro ah, aqoon yahan ah, golo joog leh, waxaa la idinka rabaa marka in aad si wanaagsan ula shaqaysaan,

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caleemasaarka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaah kadib waxaa uu gaadhay xarunta Ganacsiga Dawladda Puntland ee Boosaaso, halkaas oo uu ku sugnaan doonaa maalmaaha fooda inagu soo haya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.