Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi
    Somalia

    Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 18, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in agaasimaha CIA Mike Pompeo uu si qarsoodi ah uu u booqday Kuuriyada Waqooyi horraantii sanadkan islamarkana uu wadahadalo toos ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

    Booqashadan ayaa la sheegay in looga gol lahaa in wadada loogu sii xaaro kulan wayne lagu wado in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyiiyo iyo madaxwayne Trump.

    Warkan ayaa soo baxay mar la qabanayay wadahadalo ku saabsan Kuuriyada Waqooy oo dhexmaray Mr Trump iyo rai’sul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

    Warbahinta dalka Mareykanka aya sheegtay in Mike Pompeo uu boqday Kuuriyada Waqooyi islamarkana uu la kulmay xilligii fasaxa Easter, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wax yar uun ka dib markii loo soo xulay in uu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda.

    Toddobaad ka dib saraakiisha aqalka cad ayaa waxay sheegeen in ay si toos ah u xaqiijiyeen in hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi uu diyaar u yahay in wadaxajood uu ka galo suurtagalnimada in uu ka talabaxo hubkiisa Niyukleerka.

    Mr Trump ayaa u muuqday in mar uu wariyayaasha kula hadlayay Mar-a-Lago oo uu sheegay in xiriirkii ugu heerka sareeyay ay la sameeyeen Kuuriyada Waqooyi uu ula jeeday kulankan.

    Madaxwayne Trump ayaa sheegay in wadahadalo heerkoodu sareeyo oo toos ah ay la yeesheen Kuuriyada Waqooyi ka hor kulan waynaha la qorshaynayo in ay la yeeshaan, Kim Jong-un.

    Waxa kuu ka hadlayay xilligaasi gobolka Florida waxa uuna kulan la lahaa ra’sul wasaaraha Japan, Shinzo Abe:

    Waxa uu noqon doonaa kulankii ugu heerka sareeyay tan iyo sanaddii 2000, markaasi oo xoghayihii arrimaha dibadda Madeline Albright ay la kulantay Kim Jong Un aabihis, Kim Jong Il.

     

     

    Xigasho BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.